Ciidamada booliska ayaa xiray arday 23 sano jir ah oo barta cilmiga caafimaadka ka dib markii uu sheegay in la afduubtay si uu waaldikiisa uga helo lacag.
Ardaygan oo lagu magacaabo Edwin Kamau oo haatan lagu hayo saldhigga booliska ee Kayole, ayaa la waayay maalinkii Axadda ee 3-dii bishan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu wacay teleefoonka hooyadii isaga oo sheegay in la afduubtay.
Waxaa uu ku andacoodey in afduubayaasha ay ka dalbadeen lacag dhan 70,000 oo shilin oo madax furasho ah si ay u soo daayaan ama haddii kale ay ka takhalusayaan.
Waalidkiis oo walaac muujiyay ayaa arrintan ku wargeliyay booliska oo islamarkiiba bilaabay ugaarsi ay ku raadinayaan afduubayaasha uu ardayga sheegay.
Waalidka ayaa marar kala duwan u diray wiilkooda lacag 10,000 iyo 40,000 kale oo dheeraad ah.
Dambi baarayaasha dalka oo arrintan baaritaan ku sameeyay ayaa mar dambe ogaaday in waxa uu sheegayo Kamau ay been tahay, taas oo keentay in xabsiga loo taxaabo.
Sido kale dambi baarayaasha ayaa soo heleen lacag dhan 38,600 oo shilin uu ardayga haystay .
Waxaa lagu wadaa in maxkamad la soo taago, si uu u wajaho eedeymo la xiriira khiyaano.
MEDICAL STUDENT KIDNAPS SELF TO OBTAIN MONEY FROM PARENTS
A 23-year-old medical student at Makindu Medical Training College, is in custody at Kayole police station, after he staged his own kidnapping to milk money from his parents. pic.twitter.com/niUra3BhcQ
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) July 7, 2022