Wakiilka haweenka ee ismaamulka Bungoma oo shil ku dhaawacantay

0
781

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Bungoma Catherine Wambilianga iyo toddobo qof oo kale ayaa dhaawacyo culus soo gaareen ka dib markii gaari u jiiray xilli ay shalay ku guda jireen ololaha doorashada ku celiska ee deegaanka Kabuchai ee galbeedka dalka.
Mrs .Wambilianga ayaa dhaawaca uu soo gaaray xilli ay ku sugneyd guriga musharraxa ku tartamaya xisbiga Ford -Kenya ee doorashad ku celiska ee Kabuchai ,Majimbo Kalasinga.
Qof goobjooga ah ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaanadda ay ka jabtay labo qaybo oo ka mid ah lugteyda.
Waxaa loola cararay isbitaal ku yaala magaalada Bungoma iyada oo lagu sameeyay qaliin lagu guuleystay islamarkaana xaaladeeda ay haatan wanaagsan tahay.
Dhanka kale taliyaha booliska ee ismaamulka Bungoma Dr. Musyoki Mutungi ayaa wargeyska The Standard ee ka soo baxa gudaha dalka u sheegay in uusan ka warqabin shilka balse uu dabagal sameynaya si uu u hubsado sida ay wax u dhaceen.