Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku shaaciyay in maalinka Isniinta a ee toddobaadka dambe 11-ka bishan ay tahay maalin fasax ah.
Waxay micnaheedu tahay in maalinkaasi laga nasanaya shaqooyinka si muslimiinta ku nool gudaha wadanka ay ugu dabaal degaan munaasabadda ciidul Adxaa ee berri ku beegan.
Tani ayaa ku soo aadeyso, iyadoo maalinka ciidda ay ku soo beegantay maalin Sabti ah oo laga nasta shaqooyinka dowladda.
Qoraalkan ayaa la soo dhigay barta rasmiga ee Twitter-ka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka.
Wasiirka ayaa cuskaday qaybta saddexaad ee xeerka maalmaha fasaxa qaran ee Public Holidays Act.
Declaration of a public holiday
marking Idd-ul-Adha. pic.twitter.com/ihuxajiHMj— Ministry of Interior (@InteriorKE) July 8, 2022