Hal milyan oo Xujey ah ayaa maanta taagan Banka Carafo ah oo sanadkan gudanya acmaasha Xajka.
Kumanaan Soomaali ah oo ka baxay Kenya iyo dalka dibaddiisa ayaa ka mid ah muslimiinta gudaneysa waajibaadka xajka ee sanadkan.
Xujeyda ayaa xalay ku hooyday Mina oo qiyaastii 8 kiilomitir u jirta magaalada barakeysan ee Makkah ee dalka Sacuudi Carabiya.
Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaan la arkayaa ciidamo aad u badan oo ku sugan Buurta Carafo.
Sidoo kale gaadiidka ayaa laga mamnuucay isticmaalka waddooyinka soo gala masjidka barakeysan ee Xaramka.
Hal malyan ee qof ee sanadkan loo oggolaaday inay gutaan acmaasha Xajka ayaa ka kala yimid dalal badan oo muslimiin ah, waana sanadkii ugu horreeyay ee tiro dad intaan la eg ay xajiyaan tan iyo markii uu caalamka ka dilaacay cudurka COVID-19 dabayaaqadii sanadkii 2019-kii, kaas oo halakeeyay isu socodkii dunida.
Sidoo kale muslimiinta ku nool caalamka ayaa maanta oo kale sagaalka bisha Dulxijah ay sooman yihiin, lagana cafinayo dunuubta yar yar ee galeen laba sano.
Maalinta berri ah ayaa guud ahaan dunida muslimka looga dabaal deggi doona maalinta koowaad ee ciidul Adxaa oo ka mid ah ciidaha ugu waaweyn ee muslimiintu leeyihiin.