Ukraine oo baaraysa in ka badan 20,000 oo ah dembiyada dagaal ee Ruushka

0
445

Dowladda Ukraine ayaa sheegtay inay baaritaano ku hayso dhacdooyin gaaraya 21,000 oo la rumeysan yahay inay yihiin dembiyo dagaal oo ay gaysatay dowladda Ruushka.
Dacwad oogaha guud ee Ukraine Iryna Venediktova ayaa sidatan u sheegtay warbaahinta BBC.
Waxay hoosta ka xarriiqday in maalin waliba loo soo gudbiyo 200 ilaa 300 oo ah warbixinno ku saabsan dembiyo dagaal.
Ruushka ayaa tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan duullaan militari ka wado gudaha dalka Ukraine hasa ahaate waxay xukuumadda Moscow iska fogeysay inay gaysatay dembiyo dagaal.