DHAGEYSO:Xildhibaanka Garissa Township oo ka hadlay hindise uu gudbiyay iyo arrimaha BBI

0
582

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Star ayaa faahfaahin ka bixiyay hindise sharciyeed uu dhawaan soo saaray oo uu ku doonayo in lagula tacaalo anshax xumada iyo faafinta macluumaadka garab siin karo kooxaha argagixisada ah

Mr. Ducaale ayaa sheegay in ay jiraan shuruudo uu ku xiraya taageeridda hindisaha sharci beddelka ee BBI isagoo siyaasiyiinta iyo warbaahinta ka codsaday in ay dadweynaha uga run sheegaan faa’iidooyinka ugu jiro dhaqangelinta BBI.
Waxaa uu tilmaamay inuu doonayo in deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa iyo sidoo kale Koonfurta Wajeer la kala qaybiyo si gobolka waqooyi bari uu uga faa’iidaysto kuraasta la kordhinaya.
Mudanaha oo u warramay Cabdinuur Cali ayaa xusay in xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo uu ka mid yahay aynan hadda mudnaanta koowaad siinayn BBI balse ay ku dadaalayaan sidii ay u xoojin lahayeen taageerada iyo saameynta siyaasadeed ee xisbiga UDA

Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka oo wax laga weydiiyay xiriirka kala dhexeya madaxweynaha wadanka Mr. Uhuru Kenyatta tan iyo markii laga xayuubiyay xilkii hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka ayaa ku jawaabay.

Sidoo kale Aadan Barre Ducaale ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbiga talada haya ee Jubilee uunan awood u lahayn sidii hore.
Xildhibaanka Garissa Township ayaa dhanka kale nala wadaagay dareenkiisa ku aaddan xeeladda siyaasadeed ee taageeridda danyarta ee William Ruto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here