Maxkamadda sare oo laashay dacwad lagu doonayay inuu Ruto xafiiska baneeyo

0
281

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad loo gudbiyay taasoo lagu doonayay in xilka madaxweyne ku xigeenka wadanka laga qaado William Ruto.
Waxaa kiiska geeyay Michael Kirunga oo Ruto ku eedeynaya inuu waajibaadkiisa shaqo dayacay.
Hasa ahaate garsoore Anthony Mrima ayaa sheegay in xilka qaadista madaxweyne ku xigeen ay tahay geeddisocod siyaasadeed oo gaar u ah baarlamaanka sidaas awgeedna aan qayb ka ahayn waajibaadka maxkamadaha.
Dhamaadkii bishii hore ee June ayay ahayd markii madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo uu matalaya qareenkiisa Elius Mutuma uu codsaday in meesha laga saaro dacwadda ka dhanka ah oo uu ku sheegay mid siyaasadeysan.