Waxaa maanta dalka la soo gaarsiiyay qaybtii ugu horreysay ee waraaqaha codbixinta sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC.
Guddiga ayaa sheegay in la daabici doono 22.1 milyan oo warqadahan ah si shacabka ay ugu codeyaan musharraxiinta 6-da jago ee hoggaamineed.
Mr. Wafula Chebukati ayaa sheegay in warqadaha codbixinta ee dalka soo gaaray ay ka mid yihiin kuwo loogu talagalay doorashooyinka Garissa iyo Wajeer.
Waxaa uu tilmaamay in warqadaha codbixinta la keeni doono dalka ilaa 29-ka bishan Toddobaad oo maalinta kama dambeyska ah.
Chebukati ayaa caddeeyay in dhammaan warqadaha laga soo dejin doono garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi oo aynan jirin warqad la soo marinaya xadka Uganda.
The Commission today received the first batch of the printed ballot papers for #GE2022 Wafula Chebukati, @IEBCKenya Chairman, said all the printed ballot papers will be shipped into the country through the Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) pic.twitter.com/vN5cYedp8X
— IEBC (@IEBCKenya) July 7, 2022
The Commission submitted 16,098 names of candidates, who were cleared to vie for the six (6) elective positions to the government printer on June 30 for publishing in the Kenya Gazette #GE2022 pic.twitter.com/u3FnvxU7Sp
— IEBC (@IEBCKenya) July 7, 2022