Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida walaalka wasiiradda cayaaraaha ee dalka

0
851

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay ganacsado caan ka ahaa magaaladatan Nairobi oo lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamad Jibril oo geeriyooday shalay.
Ismaaciil Maxamad ayaa walaal la ahaa wasiiradda cayaaraha ee dalka Aamina Maxamad.
Mr. Ismaaciil ayaa dhintay xilli lagu daaweynayay isbitaal ku yaala dalka India.
Mr Kenyatta ayaa ku ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa hal abuur aad u karti badan isla markaana hibo gaar ah u lahaa ganacsiga guuleysta.
Waxaa u intaa ku daray in boqolaal dhallinyaro ah u horseeday shaqooyin.
Madaxweynaha dalka ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo.