Wakiilka arrimaha ganacsiga Ingiriiska ee Kenya oo is casishay

0
494

Waxaa xilkii ay haysay iska casishay Theo Clarke oo boqortooyada Ingiriiska ku matalaysay dalkani Kenya gaar ahaan arrimaha ganacsiga.
Tallaabada ay qaadday ayay u aaneysay inaynan kalsooni ku qabin xukuumadda ra’iisul wasaare Boris Johnson.
Clarke ayaa ra’iisul wasaaraha UK ku eedeysay inuu fududeysto habdhaqan xumada dhanka galmada ka dib markii sida ay sheegtay uu dallacsiiyay sarkaal loo haysto tacaddi jinsiyadeed.
Haweeneydan ayaa qoraalkeeda ku sheegtay inay ku faanayso shaqooyinkii ay si daacadnimo ah u soo gudatay.
Is casilaadda ergeyga arrimaha ganacsiga Ingiriiska ee Kenya waxaa xaqiijisay danjiraha dowladdaasi ee dalka Jane Marriott.
Waxay ku ammaantay inay gacan ka gaysatay fulinta heshiis ganacsi oo ay labada dowladood dani ugu wada jirto.