Sakaja oo hoggaaminaya musharraxiinta kale ee Nairobi

0
490

Shirkadda Infotrak ayaa sheegaysa in senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja uu yahay musharraxa ugu caansan ee doonaya inuu qabto xilka barasaabnimo ee magaala madaxda isagoo shacabka ka haysto taageero dhan boqolkiiba 39 .
Waxaa soo raaca musharraxa isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya Polycarp Igathe oo haysta taageero ah boqolkiiba 33.
Hasa ahaate boqolkiiba 4 ee dadka la wareystay ayaa ka gaabsaday midka ay codkooda siin doonaan labada musharrax.
Infotrak ayaa laga soo xigtay in boqolkiiba 24 ee dadweynaha Nairobi aynan weli arrinkan go’aan ka qaadan.
Dhanka senatarnimo waxaa Nairobi ku hoggaaminaya sida ku cad ra’yi uruurinta Infotrak Edwin Sifuna oo matalaya xisbiga ODM.
Waxaa uu haystaa taageero dhan boqolkiiba 44 halka caannimada Margaret Wanjiru oo ka tirsan xisbiga UDA ay tahay boqolkiiba 12.
Sidoo kale boqolkiiba 39 ee dadweynaha Nairobi weli ma aysan go’aansan musharraxa ay ku taageeri doonaan xilka senetarnimo.