Dowladda oo soo saartay 8.6 bilyan oo loogu talagalay dadka dhibaatooyinka u nugul

0
432

Dowladda dhexe ayaa soo saartay lacag dhan 8.6 bilyan oo shilin oo loogu talagalay in lagu caawiyo xubnaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul sida carruurta agoonta ah , naafada iyo waayeellada.
Waxaa lacagtan ka faa’iidaysanaya in ka badan hal milyan oo qof oo iska diiwaangeliyay barnaamijka daryeelka bulshada ee Inua Jamii programme.
Dhaqaalahan ay soo saartay wasaaradda maaliyadda ayaa waxaa maareyn doonto wasaaradda adeegga dadweynaha , jinsiyadda , arrimaha waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha Prof. Margaret Kobia ayaa laga soo xigtay in taageero la siin doono 278,945 qoys oo ay agoon iyo carruur nugul ka mid yihiin ,37,023 qoys oo naafo ah iyo 756,935 qoys oo waayeello ah.
Qof waliba oo barnaamijka dowladeed iska diiwaangeliyay waxaa uu helaya lacag dhan 8,000 oo u dhiganta 2000 oo la siin lahaa bilihii Saddexaad, Afaraad, Shanaad iyo Lixaad ee sanadkan.
Margaret Kobia ayaa sheegtay in ka faa’iidaystayaasha qorshahan ay lacagahooda heli doonaan 11-ka bishan Toddobaad ee July.