Guddoomiyaha IEBC oo loogu baaqay inuu is casilo

0
285

Madaxa xisbiga Thirdway Alliance ,Ekuru Aukot ayaa hadda ku dadaalaya sidii uu xafiiska u banneyn lahaa guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati.
Waxaa uu ku eedeynaya in Chebukati uunan sida habboon u gudan waajibaadkiisa shaqo.
Guddiga IEBC ayaa horay u diiday inuu ansaxiyo musharraxnimada madaxweyne ee Aukot iyo 50 siyaasiyiin kale ka dib markii aynan buuxin shuruudo lagu xiray.
Hasa ahaate waxaa uu Ekuru Aukot ku doodaya in guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati uu ku guul dareystay inuu si sax ah u fasiro dastuurka markii uu maareynayay turxaan bixinta musharraxiinta madaxweyne.
Madaxa xisbiga Thirdway Alliance ayaa hadda doonaya in la joojiyo qabanqaabada doodaha loo qabanaya musharraxiinta madaxweyne ee dalka oo loo asteeyay 26-ka bishan Toddobaad.