Waxaa suurtagal ah in wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Nairobi aynan u ambabixin safarrada dalka dibadiisa hadii miisaaniyad dheeraad ah oo la soo jeediyay la ansaxiyo iyada oo aan wax isbeddel ah lagu sameyn.
Miisaaniyaddan ayaa ah 2.2 bilyan oo shilin waxaana qoraalka qayb ka ah in meesha laga saaro dhaqaalaha loo qoondeeyo safarrada wadanka ka baxsan.
Qorshahan ayaa looga gol-leeyahay in lagu yareeyo qarashaadka ku baxo howlaha golaha hoose ee caasimadda dalka.
Soo jeedintan hadii ay dhaqan gasho waxaa ismaamulka Nairobi u baaqanaya 25 milyan oo shilin oo howlaha gaadiidka iyo gunnooyin ahaan loo siin jiray wakiillada u safro wadanka dibadiisa si ay aqoon uga soo kororsadaan fulinta mashaariicda horumarineed.
Xafiisyada xeer ilaaliyaha guud ee dalka iyo maareeyaha miisaaniyadda dhaqaale ee dowladda ayaa horay su’aal u geliyay faa’iidooyinka codbixiyaasha ugu jiro safarrada dibadeed ee ay wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada u baxaan.
Maareeyaha miisaaniyadda dhaqaale ee dowladda ayaa horay u sheegay in 2019-2020-kii dowladda hoose ee Nairobi ay safarradan ku bixisay in ka badan 387 milyan oo shilin.