Faransiiska oo dib loogu celiyay carruur iyo hooyooyin ku jiray xeryaha Syria

0
265

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in wadankaasi dib loogu celiyay 35 carruur iyo 16 hooyooyin ah.
Dadkan ayaa ku jiray xeryaha ku yaalla waqooyiga dalka Syria oo lagu hayo qoysaska xubnaha looga shakisan yahay ISIS.
Carruurta ayaa lagu wareejiyay waaxda daryeelka ubadka iyadoo si dhow loola socon doono xaaladahooda caafimaad.
16-ka hooyooyin ayaa loo gacan geliyay maamullada garsoorka ee Faransiiska si dacwado loogu soo oogo.
Waxaa in muddo ah socday dadaallo dareenka dowladda Faransiiska loogu soo jeedinayay qiyaastii 200 oo ah carruur dhibaateysan oo u dhashay dalkaasi kuwaasoo ku jiray xerooyin ay maamulaan kooxda Kurdiyiinta.
Wararka ayaa tilmaamaya in waalidiin ay carruurta halkaasi geeyeen ama qaar ka mid ah ay dhasheen intii ay dagaalladu socdeen.