Xoghayaha guud ee xisbiga ODM Edwin Sifuna ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan la qaadan karin in Ruto uu dhaliilo u jeediyo maamulka uu weli ka tirsan yahay ee Jubilee iyo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Sifuna oo u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay in musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA laga doonayo inuu is casilo si uu u caddeeyo inuu hoggaanka wadanka qaban karo isagoo aan ku tashan taageerada Uhuru Kenyatta.
Dhawaan ayay ahayd markii William Ruto uu madaxweynaha dalka u sheegay inuusan uga baahneyn inuu codkiisa ku taageero xilliga doorashda balse keliya uu ka codsanaya inuu si aan faragelin lahayn fursad ugu siiyo la tartamidda dhigiisa Azmio Raila Odinga.




