Madaxweynaha dalka oo sheegay in Kenya uu ka jiro jawi deggan oo ganacsi

0
470

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu sii jiro jawiga deggan ee looga ganacsado gudaha wadanka.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu hubinayo in Kenya ay noqoto halka dhaqaale ahaan loogu soo hirto gobollada bariga iyo bartamaha Afrika.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in adeegyada ganacsi,kuwa dhulalka iyo garsoorka hadda lagu diiwaangeliyo qaab casri ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladiisu ay sameysay isbeddelo waawayn oo dhanka ganacsiga ah.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday khudbad uu jeediyay madaxa waaxda adeegga dadweynaha Dr. Joseph Kinyua oo wakiil ka ahaa madaxweyne Kenyatta.
Shalay ayay ahayd markii si rasmi ah loo furay xarunta caalamiga ee maaliyadda ee Nairobi.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in xaruntan ay ka shaqeyn doonto in la isku duba rido barnaamijyo lagu soo jiidanaya maalgashatada heer caalami ah.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii shirkadda Google ay xafiiskeedii ugu horreeyay ee horumarinta adeegyadeeda ee qaaradda Afrika ay ka furatay magaalada Nairobi.
Sidoo kale shirkadda Microsoft ayaa Nairobi ka hirgelisay xarun tiknolojiyadeed oo lagu qarash geliyay ilaa 27 milyan oo doolar.