Maxkamadda sare oo hakisay in la daabaco waraaqaha codbixinta ee musharrixiinta xilka guddoomiyaha Mombasa

0
467

Maxkamadda sare ee dalka ayaa hakisay in la daabaco warqadaha codbixinta ee musharrixiinta xilka guddoomiyaha ismaamulka Mombasa ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan, inta laga dhageysanayo ama go’aan laga gaarayo dacwad uu gudbiyay barasaabkii hore Nairobi Mike Sonko.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyiinka iyo xuduudaha dalka IEBC ayaa sido kale hakiyay daabacaadda waraaqaha codbixinta ee xilka barasaabka Mombasa.
Xisbiga Wiper ayaa dhanka kale laga hor istaagay in ay soo magacaabaan musharrax kale oo beddeli lahaa Mike Sonko.
Mr. Sonko ayaa doonaya in meesha laga saaro go’aankii guddiga xallinta khilaafaadka ee IEBC uu uga mamnuucay inuu u tartamo kursiga barasaabnimo ee dowlad deegaanka Mombasa.