Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Agano Party, David Waihiga Mwaure ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaciyo qorshihiisa hoggaamineed.
Waxaa uu noqonayaa musharraxa madaxweyne ee ugu dambeeya ee kenyaanka u soo bandhiga qorshahiisa hoggaamineed.
Waxaa uu ka mid yahay afar musharrax oo uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu u ansaxiyay inay 9-ka bisha Siddeedaad u tartamaan hoggaanka dalka.
Hoggaamiyaha xisbiga Agano ayaa waxaa qorshihiisa ku jira in haddii xilka madaxtinnimo loo doorto uu wax ka qaban doono musuqmaasuqa isagoo dib u soo celinaya hantida wadanka ee ku keydsan dibadda.
Mwaure ayaa tilmaamay in qodobbada ugu muhiimsan ee qorshihiisa ku jira ay sidoo kale ka mid tahay ka tanaasulida ganaaxyada cashuurta.