Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa baadigoobeysa eedeysane lagu magacaabo Cabdirisaaq Mukhtaar Garaat oo lala xiriirinayo inuu la baxsaday lacag ku dhow 11 milyan oo shillinka dalka ah.
Lacagtan ayay waaxda DCI-da sheegtay inuu ka dhacay dhismo lagu magacaaba Salama oo ku yaalla xaafadda Islii ee deegaanka Kamkunji magaalada Nairobi.
DCI-da ayaa shacabka ka codsatay in laamaha ammaanka ay la soo wadaagaan xog kasta oo horseedi karta in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha baxsadka ah.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa xubnaha bulshada ku wargelisay in cidii aragto eedeysanaha baxsadka ah ay soo wacaan nambarka ah 0800 722 203.