Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof lagu toogtay mid ka mid ah xarumaha laga dukaamaysto ee magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.
Ciidamada booliska ayaa dhacdadan xaqiijiyay, iyadoona wararka intaasi ku darayaan in 3 qof la dilay dhowr kalena la dhaawacay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobta.
Laamaha ammaanka ayaa dadka ku jira gudaha xaruntaasi ugu baaqay inay caawimaad sugaan.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen in ka badan 100 qof oo u cararaya dhanka albaabka looga baxo xarunta dukaameysiga markii la riday dhowrkii rasaas ee ugu horreeyay.