Maamulka NMS oo bixinaya 6,500 oo sabarloogooyin ah

0
472

Maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ee ismaamulka Nairobi (NMS) ayaa sheegay in dhammaadka toddobaadkan uu bixin doono 6,500 oo sabarloogooyin ah.
Waxaa barnaamijkan dardargelinaysa waaxda arrimaha dhulalka , guriyeynta iyo qorsheynta magaalada ee NMS.
Warqadaha lahaanshaha dhulalka ayaa la siin doonaa shacabka ku nool xaafadaha Dandora, Kayole, Umoja, Waqooyiga Mathare, Koonfurta Kariobangi, Ngei Phases 1 iyo 2 iyo xaafado kale.
NMS ayaa sheegtay in bixinta dokumeentiyada lahaanshaha dhualka ay arbacadii la soo dhaafay ka billaabatay goobta baabuurta laga raaco ee Green Park Bus terminal oo ayna howshan socon doonto muddo 10 cisho ah.
Maamulkan ayaa sheegay in labadii sano ee la soo dhaafay uu soo saaray 18,356 oo sabarloogooyin ah.
Bishii hore ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi uu ku daahfuray barnaamijka bixinta warqadahan isagoo bixiyay 200 oo ka mid ah.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in tan iyo sanadkii 2013-kii ay bixisay in ka badan 6 milyan oo sabarloogooyin ah.