NCIC iyo UNDP oo tababarro amni ka sameynaya ismaamullada Kisumu iyo Nandi

0
333

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) oo kaashanaya barnaamijka horumarka ee qaramada midoobay ee (UNDP) ayaa tababarro u fidinaya shakhsiyaad ka shaqeyn doono nabadgalyada ismaamullada Kisumu iyo Nandi .
Tababarka ayaa looga gol-leeyahay in sare loogu qaado aqoonta iyo kartida dadka ka faa’iidaysanaya si ay si degdeg ah uga falceliyaan falalka wax u dhimi karo xasiloonida labada dowlad deegaan ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad.
Ku xigeenka agaasimaha NCIC u qaabilsan dhanka nabadgalyada iyo dib u heshiisiinta Liban Guyo ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in la isku soo dhaweeyo bulshooyinka ku nool Nandi iyo Kisumu.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo deegaanka Tinderet Esther Oyugi ayaa dhankeeda sheegtay in la qabtay kulamo badan oo lagu xoojinaya amniga.
Waxay raja wanaagsan ka muujisay in dadaallada socdo ay horseedi doonaan in labada ismaamul laga saaro liiska meelaha laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan.