Musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa sheegay in muddo xileedkii koowaad ee madaxweyne Uhuru Kenyatta ay si wayn uga wada shaqeyeen fulinta mashaariic horumarineed.
Ruto oo isku soo baxyo siyaasadeed ku qabanaya ismaamulka Meru ayaa hoosta ka xarriiqay in heshiiskii 2018-kii dhex maray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga iyo madaxweyne Uhuru Kenyatta uu weeciyay qorshihii horumarineed ee dowladda.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu kuwo aan la dhaqangelin doonin ku tilmaamay ballanqaadyada siyaasadeed ee William Ruto oo uu ku dhaliilay inuu gabay waajibaadkiisi shaqo.
Hasa ahaate Ruto oo dhaliishaasi ka jawaabay ayaa madaxweynaha dalka ka codsaday inuu si faragelin la’aan ah fursad ugu siiyo inuu hoggaanka kula tartamo Raila Odinga.