Waxaa lagu soo warramayaa in weerar ay koox burcad ah ka fulisay ismaamulka Isiolo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa waaxda adeegga duurjoogta ee KWS iyadoo mid kalena la dhaawacay.
Weerarka iyo khasaaraha ka dhashay waxaa warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Isiolo Geoffrey Omoding.
Waxaa uu sheegay in weerarka lagu bartilmaameedsaday xarunta KWS ee Oldonyiro ee waqooyiga ismaamulka Isiolo.
Burcadda ayaa looga shakisan yahay inay ka soo gudubtay ismaamulka Laikipia .
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Isiolo, Geoffrey Omoding ayaa sheegay in askariga uu u geeriyooday dhaawac culus oo gaaray maadaama la toogtay halka midka kale ee dhaawacmay ay xaaladdiisu soo hagaagayso.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada ammaanka ee Isiolo iyo Laikipia ay ku raad joogaan burcadda.
Taliyaha booliska ee Isiolo Xasan Barua ayaa sheegay in burcadda ay la baxsadeen 4 qori iyo xirmooyin rasaas ah.
Waxaa uu xusay in howlgal la sameeyay ka dib la soo qabtay mid ka mid ah burcadda sidoo kalena dib loo helay hal qori.