Khuburro dhaliilay soo jeedinta Wajackoyah ee ku aaddan maska iyo dhurwaaga

0
617

Ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta xoolaha iyo xayawaannada ee (UVPK) ayaa ka soo horjeestay soo jeedin ka timid musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party Prof. George Wajackoyah.
Siyaasigan ayaa sheegay in haddii uu hoggaanka wadanka qabto uu fasixi doono dhaqashada maska iyo in xubno ka mid ah jirka dhurwaaga loo iibgeeyo dibadda.
Xoghayaha guud ee ururka UVPK Dr. Miheso Mulembani ayaa arrimahan ku tilmaamay kuwo aan la dhaqangelin karin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qorshaha Wajackoyah uu halis ku yahay jiritaanka maska iyo dhurwaaga maadaama uu horseedi karo in labaduba laga dabar gooyo gudaha wadanka.
Waxaa uu Mulembani musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots kula taliyay inuu wada tashi la sameeyo ururka UVPK ka hor inta uunan soo bandhigin qorshayaal khatar ku ah duurjoogta.