Sossion oo ka soo horjeestay shaqo joojin lagu sameeyay ku xigeenka madaxa fulinta TSC

0
321

Wilson Sossion oo baarlamaanka si magacaabid ah ugu biiray horayna u soo noqday xoghayihii guud ee ururka qaran ee macallimiinta (KNUT) ayaa ka soo horjeestay tallaabo dhawaan shaqada looga joojiyay ku xigeenka madaxa fulinta ee guddiga adeegga barayaasha ee TSC ,Kennedy Mulunda.
Waxaa uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid bartilmaameedsi ah.
Mr. Sossion ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in arrintan ay tahay iskuday looga hor tagayo in Dr. Mulunda uunan la wareegin hoggaanka TSC ka dib marka ay xafiiska banneyso Nancy Macharia.
Go’aanka shaqada looga istaajiyay Dr.Kennedy Mulunda ayaa loo aaneeyay ku takriifal awoodeed iyo habdhaqan xumo baahsan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddiga habdhaqanka ee TSC oo ka kooban 10 saraakiil sare ah uu ku xigeenkii madaxa fulinta ee TSC ku caddeeyay eedeymaha loo jeediyay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay ku marqaati fureen10 maamulayaal dugsi iyo macallimiin ka soo jeedo gobollada Galbeedka iyo Nyanza ee dalka.
Mr .Wilson Sossion oo xubin ka ah guddiga waxbarashada ee baarlamaanka ayaa wacad ku maray inuu soo bandhigi doono musuqmaasuq uu sheegayo inuu ka dhex jiro TSC.
Waxaa uu ku doodaya in madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia iyo guddoomiyaha guddigan Jamleck Kamau oo kaashanaya mas’uuliyiin kale ay ku dadaalayaan in Mulunda uunan guddiga hoggaamin.