George Wajackoyah oo ballanqaaday inuu xoreyn doono shakhsiyaadka loo xiray Xashiishka

0
409

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party Prof.George Wajackoyah ayaa ballanqaaday in uu xabsiyada ka sii deyn doono dhammaan maxaabiista loo xiray eedeymo la xiriira gudbinta ama isticmaalka daroogada nooca xashiishka.
Waxaa uu xusay in haddii 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan loo doorto xilka madaxtinnimo uu shakhsiyaadkan xabsiyada ka sii deyn doono.
Xilli uu shalay ololihiisa siyaasadeed geeyay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayuu sheegay in maamulkiisa haddii u qabto hoggaanka ugu sarreeya ee dalka uu magdhow siin doono shakhsiyaadka loo xiray ka ganacsiga daroogada Xashiishka.
Waxaa uu intaasi ku daray in la siin doono magdhow lacageed oo dhan hal milyan oo shillinka dalka ah islamarkaana cafis la weydiisan doono shakhsi walbo oo loo xiray adeegsiga daroogadan .
Dhanka kale, musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party Prof.George Wajackoyah ayaa wacad ku maray inuu ilaalin doono danaha saraakiisha booliska oo uu sheegay in lagu ixtiraami doono shaqadooda.
Wajackoyah ayaa xusay in dhibaatada ugu wayn ee ciidanka booliska dalka haysata ay tahay in aan la siin mushaar ku filan, isagoona ballanqaaday in maamulkiisa uu samayn doono in xiriir wanaagsan uu dhexmara shacabka iyo booliska si loo hubiyo in aanan la lunsan kheyraadka dadaweynaha .
Maalmo ka hor ayay ahayd markii musharraxa madaxweyne ee xisbiga Roots Party Prof.George Wajackoyah uu kenyaanka u soo bandhigay qorsho ka kooban toban qodob.
Waxaana waxyaabihii uu ballanqaaday ka mid ahaa in uu xalaaleyn doono xashiishka si faa’iidada laga helo loogu bixiyo deymaha shisheeye.