Musharraxa madaxweyne ee xisbiga (UDA) ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa u jawaabay madaxweynaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Hoggaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ruto uu horraan soo bandhigay ballanqaadyo maran oo uunan hirgelin.
Hasa ahaate ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa iska fogeeyay eedeynta uga timid hoggaamiyaha ugu sarreeya ee wadanka.
Dr. Ruto ayaa ka codsaday Uhuru Kenyatta inuu joojiyo ololaha siyaasadeed ee uu ku taageerayo musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga.
Waxaa uu Ruto sheegay inuu kaligiis uu isku filan yahay, islamarkaana uusan u baahneyn taageerada Uhuru ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray in wakhtigii uu garabka u ahaa Uhuru uu wax badan la qabtay.
“Markii aad u baahneyd saaxiib ku garab istaaga, waan ku garab taagnaa, Raila waligii kuma garab istaagin si la mid ah Martha Karua, kaama codsanayo inaad ii taageerto, waxaan kaa codsanayaa inaad dhinac nooga baxdid si aan ula tartamo Raila Odinga oo uu loolanka naga dhexeyo,” ayuu yiri Ruto.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:William Ruto: Uhuru Kenyatta adiga kulama tartamayo, ee dhinac nooga bax aan...