Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Shaqaalaha garoomada diyaaradaha ee Faransiiska oo shaqo joojin billaabay

Shaqaalaha garoomada diyaaradaha ee Faransiiska oo shaqo joojin billaabay

Waxaa lagu soo warramaya inuu hakad ku yimid duulimaadyada dalka Faransiiska ka dib markii ay shaqo joojin ku dhaqaaqeen shaqaalaha garoomada diyaaradaha ee wadankaasi.
Shaqaalaha gadoodsan ayaa dalbanaya in mushaar kordhin loo sameeyo sicir bararka jira awgii.
Tallaabadan kuwo la mid ah ayaa horay u saameeyay garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka London, Amsterdam iyo kuwo kale oo hoos tago qaaradda Yurub iyo Maraykanka.
Maamulka duulimaadyada rayidka ee Faransiiska ayaa laga soo xigtay in saaka la joojiyay boqolkiiba 17 ee duulimaadyadii qorsheynaa inay ka ambabaxaan garoomada diyaaradaha ee Charles de Gaulle iyo Orly ee magaalada Paris .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments