DHAGEYSO:Raila Odinga oo isku soo bax ku qabtay Nyamira

0
540

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa maanta ololihiisa geeyay ismaamulka Nyamira.
Waxaa uu mar kale soo hadal qaaday waxyaabaha uu doonayo inuu kenyaanka u oofiyo haddii ay hoggaanka dalka u doortaan.
Arrimahan ayaa waxaa ka mid ah in tacliinta ilaa heer jaamacadeed laga dhigo mid si lacag la’aan ah lagu barto.
Sidoo kale Raila ayaa sheegaya inuu soo kordhin doono caymis caafimaad oo uu ugu magacdaray Babacare.
Mr. Odinga ayaa xusay in shakhsiyaadka aan awoodin inay iska bixiyaan qarashaadka caymiska ay dowladdu ka bixin doonto.
Sidoo kale waxaa uu dadweynaha Nyamira u ballanqaaday inuu halkaasi ka hirgelin doono warshado.
Raila Odinga ayaa dhanka kale sheegay inuu wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiangi ka difaacaya dhaliilaha garabka siyaasadeed ee Kenya Kwanza sidoo kalena haddii uu madaxweyne noqdo ay sii wada shaqeyn doonaan isaga iyo Matiangi.