Waxaa maanta maxkamadda la soo taagaya sarkaal boolis ah oo la xiray ka dib markii shalay uu sunta dadka ka ilmeysiisa uu ku tuuray isku soo bax siyaasadeed oo ay ismaamulka Kisii ku qabanaysay ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee Isbeheysiga Azimio La Umoja- One Kenya Martha Karua.
Taliyaha booliska ee gobolka Nyanza Karanja Muiruri ayaa xaqiijiyay in askariga xalay loo soo wareejiyay saldhigga dhexe ee booliska ee Kisumu .
Waxaa magaca sarkaalka lagu sheegay Josephat Makori.
Mr. Karanja ayaa xusay in askariga uunan shalay shaqo ku jirin sidoo kalena aan loo xilsaarin sugidda amniga goobta lagu qabanayay isku soo baxa siyaasadeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in markii uu askariga adeegsanayay sunta dadka ka ilmeysiisa uunan ku labisnayn dareeska ciidamada.
Taliyaha booliska ee Nyanza ayaa laga soo xigtay in Josephat Makori uu ka howlgalo saldhigga dhexe ee Kisii.