In ka badan 7 qof oo ku dhimatay dhul go’ saameeyay India

0
404

Ugu yaraan toddobo qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalka India halka 55 kalena aan noolol lagu ogeyn.
Tani ayaa timid ka dib markii dhul go’ xooggan uu saameeyay aag fog oo ka tirsan gobolka Manipur ee waqooyi bari India.
Dhacdada ayaa ka dhalatay roobab culus oo halkaasi ka da’ay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhanka kale la soo samata bixiyay 19 qof.
Bishan ayay ahayd markii daadad ku dhuftay India iyo Bangladesh oo daris la ah ay ku dhinteen in ka badan 150 qof halka ay malaayiin barakaceen.