Baaritaan ka dhan ah Sakaja oo ka billowday Uganda

0
686

Waxaa weli socdo baaritaannada lagu sameynaya shahaadada jaamacadeed ee senatarka ismaamulka Nairobi sidoo kalena u tartamaya xilka barasaabnimo ee caasimadda dalka Johnson Sakaja.
Golaha tacliinta sare ee Uganda (NCHE) ayaa sheegay inuu baaritaan wado oo uu faahfaahin soo saari doono.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda dambi baarista ee dalka ay warqad u qortay wasaaradda waxbarashada ee Uganda si ay u xaqiijiso in Sakaja uu ka mid ahaa ardaydii Jaamacadda Team University ee wadankaasi ka qallin jabiyay sanadkii 2016-kii.