Madaxweynaha cusub ee Filibiin oo la dhaariyay

0
455

Waxaa xilka madaxweynaha dalka Filibiin loo dhaariyay Ferdinand Marcos Jr, oo uu dhalay madaxweynihii hore ee wadankaasi Ferdinand Emmanuel Edralin Marcos.
Munaasabadda caleema saarka Marcos Jr ayaa maanta oo Khamiis ah dhacday.
Mas’uulkan oo 64 sano jir ah ayaa loo yaqaanaa “Bongbong” wuxuuna guul wayn ka soo hooyay doorashadii madaxtinnimo ee bishii hore ee Filibiin.
Waxaa uu beddelay Rodrigo Duterte, oo maamulkiisa uu dhaliil caalami ah kala kulmay qaabka uu u wajahay ka ganacsiga daroogada.
Madaxweynaha cusub ee Filibiin ayaa khudbad uu jeediyay ka sheegay inuu adeegsan doono siyaasad ay cid kasta ka faa’iido.
Waxaa uu shacabka wadankaasi uga mahadceliyay inay suurtageliyeen waxa uu ku tilmaamay waajibaadkii doorasho ee ugu wayna ee la guto taariikhda dimuqraadiyadda ee Filibiin.