Ciidamada saldhigga booliska ee degmada Mtwapa ee ismaamulka Kilifi ayaa xabsiga u taxaabay 81 qof oo ku wada sugnaa hal qol.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shakhsiyaadkan gacanta lagu dhigay xilli uu socday shir.
Booliska saldhigga Mtwapa ayaa laga soo xigtay in xubno ka tirsan dadweynaha ay laamaha ammaanka ku soo wargeliyeen arrintan, ka dib markii ay ka war heleen in ay jiraan koox shir sharci darro ah qabsanayay.
5 ka mid ah shakhsiyaadkan ayay boolisku sheegeen inay haween yihiin.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ammaanka ayaa soo helay waxyaabo ay ka mid yihiin baangado, mindiyo iyo qalab kale.
81-ka qof ayaa lagu wadaa in maanta oo Khamiis ah maxkamad la soo taago.
Taliyaha booliska ee saldhigga Mtwapa Cali Maxamad Wako ayaa warbaahinta uga warbixiyay howlgalkan ay ku soo qabteen eedeysanayaasha.