DHAGEYSO:Ruto oo maanta soo bandhigaya qorshihiisa hoggaamineed

0
456

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga (UDA) ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu wadaa inuu qorshihiisa shaaciyo gelinka dambe ee maanta.
Waxaa uu fagaaraha Kasarani Stadium ee magaalada Nairobi Kenyaanka kula wadaagi doonaa waxyaabaha uu doonayo inuu u qabto haddii uu 9-ka bisha Siddeedaad hoggaanka dalka ku guulaysto.
Ruto iyo xulafadiisa Kenya Kwanza ayaa ololahooda siyaasadeed ku saleynaya kobcinta dhaqaalaha dalka iyadoo meel hoose laga soo billaabaya.
Qaar ka mid ah shacabka ismaamulka Trans Nzoia ayaa ka ra’yi dhiibtay waxyaabaha ay rajeynayaan in isbeheysiga Kenya Kwanza uu maanta qorshihiisa ku soo bandhigo.

Raila Odinga oo uu tartan adag kala dhexeyo Ruto ayaa maalmo ka hor soo bandhigay qorshihiisa oo ka koobnaa 10 qodob.
Dhanka kale musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa maanta ololihiisa siyaasadeed geyn doono ismaamulka Migori.
Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Martha Karua ayaa iyadana isu soo bax siyaasadeed ku qaban doonto dowlad deegaanka Kisii.
Tani ayaa qayb ka ah socdaalka 5-ta cisho ay labada mas’uul ee ugu sarreysa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ku marayaan gobolka Nyanza.