Booliska oo burcad ku dilay Nairobi

0
451

Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Nairobi ayaa xalay toogasho ku dilay qof burcad ah oo hubeysnaa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in labo shakhsi oo kale ay goobta ka baxsadeen iyagoo adeegsanaya mooto.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in burcadda iyo booliska ay rasaas isweydaarsadeen halkaaso mid ka mid ah kooxda looga takhalusay.
DCI ayaa sheegtay in ciidamadu ay ka falcelinayeen qaylo-dhaan uga timid dhismaha Trans-towers ee xaafadda South B ee magaalada Nairobi oo ay burcaddu fal dhac ah ka gaysanaysay.