Wariye Joe Kadhi oo geeriyooday

0
331

Waxaa isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ku geeriyooday rug-caddaa saxaafadeed oo lagu magacaabo Joe Kadhi.
Waxaa uu horay u soo noqday maamulaha tifaftirka ee shirkadda wargeyska Nation Media.
Sidoo kale waxaa uu bare jaamacadeed ka soo noqday jaamacadda Nairobi, Addis Ababa iyo midda USIU qaybteeda Afrika.
Qoyskiisa oo xaqiijiyay geeridiisa ayaa sheegay in maanta la aasi doono suxufiga .
Shakhsiyaadka ka tacsiyadeeyay geerida Joe Kadhi waxaa ka mid ah Linus Kaikai oo ka howlgalo warbaahinta RMS.
Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ayuu Kaikai ku sheegay inay u tahay maalin murugo ah maadaama uu bahda saxaafadda ka baxay suxufi looga bartay jiheyn iyo tababar aqoon ku saleysan.