Maamullada ammaanka ee Maraykanka ayaa billaabay inay baaritaano ku sameyaan dhacdo ay ugu yaraan 51 ruux ugu dhinteen magaalada San Antonio ee koonfurta gobolka Texas.
Dadkan ayay wararku tilmaamayaan in looga dhex tagay gaadiid xamuul ah oo aad u kululaa.
Tani ayaa lagu tilmaamay dhimashadii ugu badneyd ee sanadihii ugu dambeeyay ka dhalatay iskudayada tahriibka ah ee Maraykanka looga soo gudbo dhanka Mexico.
Waxaa xabsiga la dhigay darawalkii baabuurka iyo labo qof oo kale oo lala xiriirinayo musaafurinta dadkan sida uu wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay Henry Cuellar oo gobolka Texas ku matalo golaha wakiillada ee Maraykanka.