DHAGEYSO:William Ruto oo ballanqaad u sameeyay wadayaasha mootooyinka

0
379

Musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA ahna madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa maanta kulan la qaatay ganacsatada yaryar ee ismaamulka Tharaka Nithi.
Waxaa uu sheegay in iyadoo la kaashanaya baarlamaanka wadayaasha dhudhugleyda loo fududeyn doono inay helaan leesimada ay ku shaqeystaan.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in tani lagu maareyn doono sanduuqa horumarinta deegaannada ee CDF-ta.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ganacsatadan laga caawin doono inay mootooyin ku soo iibsadaan lacago amaah ah oo ay qayb qayb u bixinayaan.