Waxaa ismaamullada Mombasa iyo Kisumu laga hir geliyay xafiisyo laga diiwaangelin doono dacwadaha la geynaya maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court.
Arrintan ayaa waxaa bayaan ku sheegtay madaxa cadaaladda dalka garsoore Martha Koome.
Koome ayaa hoosta ka xarriqday in tani ay qayb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo in kenyaanka ay caddaalad ka helaan meel aan ka fogeyn.
Martha Koome ayaa intaasi ku dartay in marka kiisaska laga diiwaangeliyo Mombasa iyo Kisumu lagu soo wareejin doono xarunta dhexe ee diiwaangelinta ee magaalada Nairobi.
Home Wararka Kenya Xafiisyada diiwaangelinta ee maxkamadda ugu sarreysa oo laga furay Kisumu iyo Mombasa