Dowladda dhexe oo ku dadaalaysa inay hoos u dhigto sicir bararka wadanka ka jiro ayaa meesha ka saartay canshuurta laga qaado shirkadaha badeecooyinka burka iyo waxyaabaha galleyda laga sameeyo ka keeno dalka dibadiisa.
Wasiirka wasaaradda beeraha Peter Munya ayaa arrintan shaaciyay.
Amarkan ayaa dhaqan galaya laga billaabo 1-da bisha Toddobaad ee July wuxuuna shaqeyn doonaa muddo saddex bilood ah.
Sidoo kale waxaan canshuur laga qaadeyn waxyaabaha lagu quudiyo xoolaha.
Tani ayaa hadda fursad siin doonto ilaa 200 oo ah baabuurta xamuulka oo galley sida kuwaasoo ka yimid Malawi, Tanzania iyo Zambia oo ku xayirnaa soodhinta Kenya iyo Tanzania.