Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad looga soo horjeeday in senatarka ismaamulka Kakamega ee galbeedka wadanka Cleophas Malala uu 9-ka bisha Siddeedaad u tartamo xilka barasaabnimo ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Patrice Ouko.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa lagu wadaa inuu ugu dambeyn 30-ka bishan soo daabaco magacyada musharraxiinta u tartamaya xilalka kala duwan.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa sheegtay inuu weli hor yaalla kiis ku saabsan shahaadadiisa KCSE-da iyo midda jaamacadda ee Degree oo aan weli la soo gabagabeyn.