DHAGEYSO:Raila oo ballanqaaday in la dhisi doono waddada Garissa-Liboi

0
318

Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga oo shalay isku soo baxyo siyaasadeed ku qabtay ismaamulka Garissa ayaa ballanqaaday in hadii uu ku guulaysto xilka madaxtinnimo 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan, maamulkiisa uu furi doono xadka ay wadagaan waddamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in lala tacaali doono dilalka sharci darrada ah iyo shakhsiyaadka intii la waayo aan meelna lagu sheegin.
Mr. Odinga ayaa sidoo kale dadweynaha Garissa u ballanqaaday in la dhisi doono jidka isku xira Garissa ilaa Liboi.

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee Azimio Martha Karua ayaa dhankeeda sheegtay in maamulkooda uu xaqiijin doono in dadka ku nool waqooyi bari ay helaan xuquuq siman oo la mid ah tan kenyaanka kale sida xaqiijinta badqabkooda iyo wanaajinta caafimaadka.

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dhankiisa sheegay in si looga guulaysto Al-Shabaab ay tahay in horumar ballaaran oo ay ka mid tahay dhisidda waddooyinka laga sameeyo waqooyi bari.