Ekuru Aukot oo ka soo horjeedo in la daabaco warqadaha codbixinta

0
322

Madaxa xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu ku doonayo in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC laga hor istaago inuu daabaco warqadaha codbixinta.
Dacwaddan ayuu geeyay maxkamadda sare ee wadanka.
Aukot ayaa sidoo kale dalbanaya in waxba kama jiraan laga soo qaado kala xulashadii musharraxiintii madaxweyne ee ay IEBC sameysay intii u dhexeysay 29-kii May ilaa 7-dii bishan June maadaama uu ku doodayo in howshaasi aan sida habboon loo wajahin.
Madaxa Thirdway Alliance ayaa intaasi ku daray in guddiga doorashooyinka uunan xaqiijin liiska taageerayaasha musharraxiinta madaxweyne ee xisbiyada iyo kuwa madaxa bannaan sidoo kale dokumeentiyadii aqoonsiga ee lala wadaagay.
Iyadoo maxkamaddu laga sugayo inay arrintan dhageysato oo ay go’aan ka soo saarto ayuu Aukot codsanaya in IEBC aan loo fasaxin daabacaadda waraaqaha loo adeegsan doono codeynta guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Siyaasigan ayaa ka mid ah musharraxiin aynan IEBC u ansaxin u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya ee dalka maadaama aynan buuxin shuruudo laga doonayay inay ka soo baxaan.