DHAGEYSO:Dubat Cali Camey oo ku baaqay in la caawiyo dadkii uu saameeyay dabkii suuq Mugdi

0
302

Guddoomiyaha golaha suuq geynta xoolaha nool ee dalka kana mid ah waxgaradka gobolka waqooyi bari Dubat Cali Camey ayaa ku baaqay in la dhiso suuqa wayn ee suuq Mugdi oo maalmo ka hor uu dab baabi’yay.
Waxaa uu sheegay in sababta ay dhibaatadan u soo noqnoqotay ay tahay dhismo xumo halkaasi ka jirta.
Waxaa uu baaqiisa ku daray in suuqa waddooyin loo bixiyo isagoo dhanka kale farriin u diray siyaasiyiinta ismaamulka Garissa.