DHAGEYSO:Raila Odinga oo isku soo bax siyaasadeed ku qabtay Wajeer

0
289

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa ololahooda geeyay meelo ay ka mid yihiin Tarbaj, Bute iyo Habasweyne oo ka tirsan ismaamulka Wajeer ka hor inta aynan shalay galab gaarin dowlad deegaanka Garissa.
Raila ayaa ballanqaaday in haddii hoggaanka dalka uu qabto, maamulkiisa uu xallin doono dhibaatooyinka dhanka amniga, dilalka sharci darrada ah iyo biyaha.
Raila ayaa sidoo kale sheegay in la dhameystiri doono dhismaha waddada xiriirisa Madogashe ilaa iyo Mandera iyadoo laami la saaraya.
Mr. Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Habasweyne ee Wajeer sheegay inuu soo kordhin doono caymiska xoolaha nool si xoolo dhaqatada ay saameynta ka soo gaarto abaarta ay lacago magdhow ah u helaan.

Ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa sheegtay in Raila uu caddeeyay in haddii hoggaanka ay la wareegaan ay iyada u xilsaaran tahay ilaalinta sharciga.

Xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa dhankiisa Raila ugu baaqay inuu ka dhabeeyo ballanqaadka ah cirib tirka dilalka sharci darrada ah.

Mr. Odinga ayaa maalin ka hor ku sugnaa Mandera isagoo ballanqaaday in la furi doono xadka ay wadagaan dalalka dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya si loo xoojiyo ganacsiga ka dhexeya labada dhinac.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ahna musharraxa madaxweyne ee UDA William Ruto oo ololihiisa siyaasadeed shalay geeyay ismaamulka Kilifi ee gobolka xeebta ayaa sicir bararka dhanka maciishadda ee ka jiro gudaha wadanka u aaneeyay sida uu hadalka u dhigay in la marin habaabiyay qorshihii horumarineed ee Jubilee oo lagu mashquulay xeer beddel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here