DHAGEYSO:Raila Odinga oo isku soo bax siyaasadeed ku qabtay Wajeer

0
460

Musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa ololahooda geeyay deegaanka Tarbaj ee ismaamulka Wajeer.
Raila ayaa ballanqaaday in haddii hoggaanka dalka uu qabto, maamulkiisa uu xallin doono dhibaatooyinka dhanka amniga, dilalka sharci darrada ah iyo biyaha.
Raila ayaa ballanqaaday in la dhameystiri doono dhismaha waddada xiriirisa Madogashe ilaa iyo Mandera iyadoo laami la saaraya.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu wax ka qaban doono xanuunnada , aqoon darrada , saboolnimada iyo musuqmaasuqa

Mr. Odinga oo shalay ku sugnaa Mandera ayaa la filaya inuu u soo gudbo Garissa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here