Booliska Siaya oo soo helay waxyaabo la xaday

0
378

Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ee ismaamulka Siaya oo uu hor kacaya taliyaha saldhigga booliska ee deegaanka Ugunja ay howlgal fuliyeen.
Howlgalka oo lagu tilmaamay mid ku saleysnaa xog sirdoon ayaa xalay laga sameeyay tuulooyinka Nyamasaria iyo Sira .
Intii uu howlgalka socday ayay saraakiisha ammaanka baareen guriga Clinton Ochieng halkaasoo laga soo helay waxyaabo la tuhunsan yahay in la soo xaday.
Waxaa ka mid ah telefishinno labo nooc ah ,dareeska ciidamada booliska ee maamulka , taleefoonnada gacanta , boorso uu dhar ku jiro , maacuun iyo waxyaabo kale.
Alaabta ayaa hadda la dhigay saldhigga booliska ee Ugunja si dadka iska leh ay u aqoonsadaan waxyaabaha ka maqan ka hor inta aan eedeysanaha maxkamadda la soo taagin.
Waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa bogaadisay saraakiishii howlgalkaasi fuliyay iyo shacabka oo ay sheegtay inay si joogto ah u soo gudbiyaan warbixinnada fududeyn karo in lala tacaalo falal dambiyeedyada.